Showing posts with label ictiraaf. Show all posts
Showing posts with label ictiraaf. Show all posts

Tuesday, 14 August 2007

Waxay Ahayd In Xalay Nala Xidho, Laakiin, Way Baaqatay, Inj. Maxamed Xaashi

Friday, 27 July 2007 Eng. Maxamed Xaashi





'Waxay Ahayd In Xalay Nala Xidho, Laakiin, Way Baaqatay,' Inj. Maxamed Xaashi


Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Guddoomiyekuxigeenka ururka Qaran ayaa xaqiijiyey inay jiraan warar ilaa maanta soo baxayey oo sheegaya in Xukuumaddu ka xalaalaystay Maxkamadda Gobolka Hargeysa amar lagu xidhxidhayo siyaasiyiinta hoggaamisa ururka Qaran, amarkii qabashadoodana la bixiyey.

"Arrintaasi siday nagu soo gaadhey waxa weeyaan, Waarankii iyo wixiiba waa u diyaar, kolkaa in nala xidho xalay bay ahayd, xalay way ka baaqatay, " ayuu yidhi Inj. Maxamed Xaashi oo caawa saxaafadda la hadlay.

"Welise, waa arrin taagan, siday wararku nagu soo gaadheen, " ayuu raaciyey.

Maanta duhurnimadii ayaa waxa soo baxay warar sheegaya in xukuumaddu Maxkamadda ka soo qaadatay warqadda qabashada, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiyaha ururka Qaran iyo Inj. Maxamed Xaashi oo ah Guddoomiyekuxigeenka ururkaas.

Ma jirto cid rasmi ahaan xaqiijinaysa jiritaanka go'aankaas, dhinaca xukuumaddana wax war ahi kama soo bixin.

Inj. Maxamed Xaashi oo la weydiiyey in loo yeedhay ama cidi u timi, waxa uu sheegay in aanay jirin cid u yeedhay iyo cid u timi midna, balse, waxa uu muujiyey inay ka go'an tahay xukuumadda inay xidhxidho hoggaamiyayaasha ururkaas.

Tan iyo Salaasadii dorraad, markii siyaasiyiinta ururka Qaran ay fagaare ku yaalla xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa kala hadleen dadweyne isu soo baxay, waxa soo baxayey warar sheegaya in Madaxweyne Riyaale kulan isugu yeedhay madaxda hay'adaha Amniga – Booliska, Xeer Illaalinta Guud iyo Sirdoonka Qaranka – waxaana la sheegay inuu kala tashanayey sidii tallaabo looga qaadi lahaa siyaasiyiinta ururka Qaran.

Ururka Qaran oo dalbanaya, una ololaynaya in la furo ururrada siyaasadeed, si ay uga qaybgalaan tartanka doorashooyinka deegaanka ee soo socda, waxay Wasaaradda Arrimaha Guduhu dhowaan ku wargelisey in la mamnuucay dhaqdhaqaaqyadooda, haddii ay joojin waayaana maxkamad la horgeyn doono.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
E-mail: dubad@Somaliland.com

ISW: Somaliland.Org

http://www.somalilandcenter.com/content/view/4198/73/

Madaxdii ururka Qaran oo xadhig lagula kacay, ka dib markii Dastuurka dalka ay ku dhaqmeen, ku dhaqa

Saturday, 28 July 2007


Madaxdii ururka Qaran oo xadhig lagula kacay, ka dib markii Dastuurka dalka ay ku dhaqmeen, ku dhaqankaas sharciga dalka oo danbi ka ah dhanka xukuummadda.


28 July, Hargeysa:

Abaara 7 subaxnimo ee maanta ayaa ciidan dharcad ah oo kuwa loo yaqaan CIDdu u kexeyeen Dr. Moxamed Cabdi Gaboose Maxkamadda Hargeysa. Dr. Gaboose waxa uu Maxkamadda weydiiyey AMARKA Maxkamadeed ee lagu soo xidhay, Xaakimku wuxuu sheegay inuu amarku jiray balse aanu haynin markaas oo sarkaal kale hayo, sidaa daraadeed aanu tusi karin. Siday weriyaal halkaa joogay sheegeen, xaakimka ayaa amray in la xidho, askartii dharcaduna intay soo tukhaan tukhiyeen ayey ku rideen gaadhi yar oo nooca loo yaqaan Mark IIka ah. Waxay askartu markii hore u kexeen Dr. Gaboose dhinaca bari ee magaalada wadada Berbera u baxda, hase yeeshee markii dambe waxay ku xidheen saldhiga booliska ee Kilinka shanaad ee dhinaca Naasa Hablood ka jirta Hargeysa.

Engineer Moxamed Xaashi Cilmi isna saaga gurigiisa ayaa ciidanka SPU ee loogu talagalay argagaxiso la dagaalanka iyo ilaalinta ajnabiga loogu geeyey gurigiisa ku yaala qaybta Maan-Soor ee Hargeysa. Dhalinyaro badan oo halkaa joogtay ayaa iska hortaagtay inuu ciidankaasi kaxeeyo. Hase yeeshee markii dambe Moxamed Xaashi waxa uu ogolaaday inuu gaadhigiisa isaga oo wata Maxkamadda tago. HALKAAS oo imika ku sii jeedo isaga oo ciidan Boolis ah daba socdo.

Wixii ka soo kordha waanu idinla socodsiin.

Xigasho: Waaheen.com

http://www.somalilandcenter.com/content/view/4200/73/