Tuesday 14 August 2007

Madaxdii ururka Qaran oo xadhig lagula kacay, ka dib markii Dastuurka dalka ay ku dhaqmeen, ku dhaqa

Saturday, 28 July 2007


Madaxdii ururka Qaran oo xadhig lagula kacay, ka dib markii Dastuurka dalka ay ku dhaqmeen, ku dhaqankaas sharciga dalka oo danbi ka ah dhanka xukuummadda.


28 July, Hargeysa:

Abaara 7 subaxnimo ee maanta ayaa ciidan dharcad ah oo kuwa loo yaqaan CIDdu u kexeyeen Dr. Moxamed Cabdi Gaboose Maxkamadda Hargeysa. Dr. Gaboose waxa uu Maxkamadda weydiiyey AMARKA Maxkamadeed ee lagu soo xidhay, Xaakimku wuxuu sheegay inuu amarku jiray balse aanu haynin markaas oo sarkaal kale hayo, sidaa daraadeed aanu tusi karin. Siday weriyaal halkaa joogay sheegeen, xaakimka ayaa amray in la xidho, askartii dharcaduna intay soo tukhaan tukhiyeen ayey ku rideen gaadhi yar oo nooca loo yaqaan Mark IIka ah. Waxay askartu markii hore u kexeen Dr. Gaboose dhinaca bari ee magaalada wadada Berbera u baxda, hase yeeshee markii dambe waxay ku xidheen saldhiga booliska ee Kilinka shanaad ee dhinaca Naasa Hablood ka jirta Hargeysa.

Engineer Moxamed Xaashi Cilmi isna saaga gurigiisa ayaa ciidanka SPU ee loogu talagalay argagaxiso la dagaalanka iyo ilaalinta ajnabiga loogu geeyey gurigiisa ku yaala qaybta Maan-Soor ee Hargeysa. Dhalinyaro badan oo halkaa joogtay ayaa iska hortaagtay inuu ciidankaasi kaxeeyo. Hase yeeshee markii dambe Moxamed Xaashi waxa uu ogolaaday inuu gaadhigiisa isaga oo wata Maxkamadda tago. HALKAAS oo imika ku sii jeedo isaga oo ciidan Boolis ah daba socdo.

Wixii ka soo kordha waanu idinla socodsiin.

Xigasho: Waaheen.com

http://www.somalilandcenter.com/content/view/4200/73/