Maanta lama odhan oran karo waa maalin buuq iyo halaag ka dhici karo Somaliland (Ilaahay balaayo kasta ha ka hayo Somaliland, Aamiin) laakiin waa maalin taariikhda Somaliland galaysa. Waxay maalintani la xisaabtami doontaa in wadadii dimuqraadiga ahayd eey Somaliland ku soo caano maashay uu difaaci doono dastuurka u yaala Somaliland kaasuu difaacayo xuquuqda muwaadiniinta u dhashay Somaliland. Suaashaa waxaa inooga jawaabi duruufaha ina soo mari doona marka laga bilaabo 28 July 2007 iyo inta ka hadhay doorashada Somaliland ee dhici doonta 2007.
28th of July 2007 waa maaliin taariikhi ah ooy ka faaiidaysan doonaan dhalinyarta u soo koraysa wadanka Somaliland. Waxay maaliintaa ka baran doonaan taariikhda iyo halganka loo soo maray dimuqraadiga Somaliland. Waa taariikh geli doonta oo laga akhrisan doon inta uu wadanka Somaliland jiri doono Insha'Allah. Maalintani waxay qiyaasi doontaa inay dimuqraadiyada Somaliland ay iskeed iskugu taagi karto lugaheeda iyo inkale.
Somaliland baa Guul
Mahadna Eebe Rahman baa leh.
Waxaan Ilaahay uga baryaynaa in ay had iyo jeer Cadaalad Xaq ah
iyo Xoriyadi ka jirto Qaranka Somaliland, Aamiin.